Silva: Waxaan doonayaa in aan raaco raadkii Maldini

paolo-maldini

(Milan) 16 Nof 2016. Paris Saint-Germain xiddigeeda Thiago Silva waa mid ka mida daafacyada dunida ugu wanaagsan, la yaab ma leh marka la eego in uu kuwii ugu wacnaa wax ka soo bartay.

Silva oo ay da’diisu tahay 32 waxa uu Paolo Maldini Milan kula qaatay lix bilood oo qura, waqigaas faa’iidadeyda wey sii socon doontaa sida uu qabo Brazilian-ka.

Thiago Silva waxa uu rajeynayaa in uu sida Maldini ciyaaro ilaa iyo da’diisa 40-naad.

Waxa uu yiri: “Waxaan rajeynayaa in aan cviyaaro ilaa iyo 40-keyga. Mid ka mida kuwii aan AC Milan uga dayin jiray,Paolo Maldini, waan arki jiray sida uu isu baxnaanin jiray.

‘”Dhabihiisa ayaan raaci doonaa jirkeyga ayaana ii sheegaa in aan awoodo.

Silva waxa uu AC Milan ku sugna saddex sano, geesi ayeyna u garanayeen taageereyaasha kooxda kaddib markii uu 2012 ku biiray PSG.

Waxa uu xaqiijiyey in uuan iaga qasbin ka tagidda Milan.

Milan waxaa ay heshay dhaqaale badan oo aysan diidi karin. Waxa uu sheegay in uu jeclaan lahaa ku soo laabashada kooxda maalin uun. Malaha waxa uu sameyn doonaa wixii uu Maldini ku sameeyey maaliyadda Milan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close