Pirlo; “Qaladka keliya ee aan Noloshayda isboorti galay waa inaan u ciyaarin midkood Barcelona ama Real Madrid”

Juventus v FC Barcelona - UEFA Champions League Final

(New York), 16 Nof  2016    –Laacibka kooxda New York City ee Mareykanka Andrea Pirlo ayaa wareysi uu siiyay wargeyska ‘Marca’ ee Spain waxa uu ku sheegay in noloshiisa ciyaareed qaladka kaliya ee uu galay ay ahayd in uusan u ciyaarin midkood naadiyada waaweyn ee Spain sida Barcelona ama Real Madrid.

“Hal dhib ayaan qaba waayeheyga ciyaareed waana inaan u ciyaarin midkood Barcelona ama Real Madrid, waayo ka ciyaarista halkaasi waa riyada laacib walba” ayuu yiri Pirlo.

Pirlo oo 37 jir ah ayaa bar tilmaameed u ahaa labadan kooxood ee uu ku riyoonayo xilligii uu la joogay Milan, laakiin naadigiisii ayaa albaabka ka xirtay labadaasi kooxood.

“Laakiin nafteydu waa raalli taam ah, waayo waxaan u soo ciyaaray kooxaha ugu fiican Talyaaniga” ayuu sii raaciyay Pirlo.

Ciyaaryahan Pirlo ayaa soo geba gebeeyay waayihiisii Talyaaniga iyo Yurub iyadoo kooxdii ugu dambeysay ee uu u ciyaarayna ay ahayd Juventus,waxaana uu 3 jeer la qaaday Horyaalka Talyaaniga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close