Maxaadan ogeyn oo xalay dhexmaray Azpilicueta iyo Walcott? Wiilka Gunners afkaa ciidda loo daray [Sawirro]

England v Spain - International Friendly

(London) 16 Nof 2016. Theo Walcott waxa uu caan ku yahay orod dheereynta laakiin xalay lama filaan ayaa ku dhacay, waxaa ku garaacday Cesar Azpilicueta.

Loolankan fool ka foolka ahaa waxa  uu ka dhacay bartamaha gegida qeybtii hore xilli uu basas ii soo celi ah Azpilicueta la dheelay David Silva.

Walcott oo badalay Lallana oo dhaawac qasbay  ayaa bilaabay in uu baacsado xiddiga Chelsea, laakiin Azpilicueta wuu ka dheereeyey waliba in door ah.

Xilli uu socday tartanka xawaaraha ah Walcott uma suurtagalin in uu soo yareeno farqigii u dhexeeyey.

Balse xiddiga Arsenal wuu is dhiibay!

a2 a3 a6 azpilcueta-vs-walcott-3

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close