Marc-Andre ter Stegen oo ka falceliyey cunsiriyad lagula kacay Umtiti

busquets-terstegen-umtiti-2016-reuters

(Munich) 16 Nof 2016. Marc-Andre ter Stegen oo ku baaqay in MAYA la yiraahdo cunsuriyadda

Goolhayaha Barcelona waxa uu Twitter-ka uga qeyb qaatay su’aalo iyo jawaabo isaga oo uga faa’ideystay in uu cambaareeyo cunsuriyadda.

Mid ka mida kuwa adeegsada Twitter-ka oo qoraal soo dhigay deedna bixiyey ayaa weydiiyey: “Ma qabtaa in Umtiti ku soo bilowdo kulamada xitaa isaga oo madaw ah?”

Twitter-rada sidaas u foosha xun badanaa waa la’iska indha tiraa laakiin Marc-Andre ter Stegen waxa uu go’aasaday in uu saxo.

Waxa uu qoray: “Baraha bulshada waxa ay I noo ogolaaneysaa in aan ku soo bandhigno waxa aan dooneyno, laakiin cunsuriyad iyo xushmad darro boos kuma laha.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close