Man United oo diyaar u ah in ay mushaar 150,000 Gini u ballan qaadaan Harry Kane haddii ay fashilmaan…

maxresdefault

(London), 16 Nof 2016     –Kooxda Kubadda Cagta Manchester United ayaa caddeysay in ay safka hore kaga jirto qorshaha lagu heli karo laacibka Tottenham, Harry Kane haddii ay guul darreystaan wada hadallada u socda isaga iyo kooxdiisa, isla markaana u ballan qaadaan mushaar £150,000 Euro Toddobaadkii.

Ilo wareedyo ka imaanaya Tottenham ayaa sheegaya in Spurs aysan ku fikireyn in ay iska iibiso Weeraryahan Kane, iyadoo haatan ay socdaan wada hadallo qandaraaskiisa la xiriira.

Mar la weydiiyay ciyaaryahan Kane mustaqbalkiisa waxa uu xusay in uusan deg deg qabin, waxaana uu haatan mushaar ahaan u qaataa 60,000 gini toddobaadkii, iyadoo qandaraaskiisuna dherersan yahay illaa 2020.

Manchester United ayaa ciyaaryahan Kane oo 23 jir ah waxa ay labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay ay doonaysay in ay kula soo wareegto 50 Milyan oo Gini waloow aysan hamigaasi ku guuleysan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close