Ramos iyo Nike oo is mari la’ iyadoo uu Daafucu doonayo in sanadkii la siiyo 2 Milyan oo Euro

culici7wcaacrp4

(Madrid), 15 Nof  2016   –Heshiiska xayaysiinta ah ee 10 ka sanadood ka dhexeeyay Daafaca Real Madrid iyo Shirkadda Qalabka Isboortiga ee Nike ayaa ku dhow mid soo afjarmi doona kaddib markii xidiggu dalbaday mushaar sanadle ah oo gaaryaa 2 Milyan oo Euros.

Inkastoo Ramos uu raadinayo shirkad kale oo uu qandaraas cusub la saxiixdo haddana waxa uu shirkaddan Mareykanka ah kula sii jiri doonaa heshiiska illaa inta uu ka helayo dalab cusub, waxaana hadafkiisu yahay shirkaddii diyaar la ah heshiis 4 sanadood ah oo  sanadkii 2 Milyan oo Euros ah.

Wada hadallo ayaa u socda Shirkadda Nike iyo Ramos waloow aan weli is afgarad laga gaarin waxaana heshiiskani ku eg yahay bisha Febraayo ee sanadka 2017.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close