Gareth Southgate oo seddex isbadal ku samaynaya shaxdiisa kulanka caawa ee Spain

(London) 15 Nov 2016 Wararka ka imaanaya ingiriiska ayaa sheegaya in tababaraha xulka qaranka ingiriiska ee Gareth Southgate uu seddex isbadal ku samaynayo xulka kulanka caawa.

Xulka qaranka ingiriiska ayaa kulan saaxiibtinimo laciyaari doona caawa dhigiisa Spain, waana kulankii labaad oo xulku uu ciyaarayo kadib kulankii Scotland.

Gareth Southgate ayaa la filayaa inuu ciyaarta ku soo bilaabo ciyaartoyda kala ah Jesse Lingard, Jamie Vardy iyo Nathaniel Clyne sida ay baahisay Mirror.

Image result for Gareth Southgate

Ciyaartoydaan ayaa buuxin doona boosaska ay ka maqnaan doonaan Wayne Rooney, Daniel Sturridge iyo Kyle Walker kuwaas oo ciyaaray kulankii 3-0 ay uga adkaadeen xulka Scotland.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close