David Silva oo shaki laga muujinayo kulanka caawa ee Spain iyo England…(laacibka oo kabo la’aan…)

silva

(England) 15 Nof 2016. Kubbad qaabeeyaha Man City David Silva ayaa shaki laga muujinayaa taam ahaansihiisa kulanka saaxiibtinimo uu xulkiisa Spain Wembley kula yeelan doono xulka England.

Go’aanka in Silva uu wajihi karayo Ingiriiska iyo inkale ayaa la qaadan doonaa galabta kaddib markii ay qasab ku noqotay inuu tababarka qaato kaligii habeenkii isniinta.

Silva ayaa tababarka u sameynayay si gooni ah isla markaana xirnaa kabaha tababarka oo qura oo looma ogoleyn inuu xirto kabaha ciyaartoyda kale ama kuwa ay garoonka ku galaan.

Laacibka ayaa dhaawac ka qaba suulka waaxda caafimaadka ayaana doorbiday inuu kabo la’aan ahaado, go’aanka kama dambeysta ah inuu safan karayo kulanka cawa ayaana ku xiran hadba siduu noqdo hormarkiisa dhanka soo kabsashada oo gabi ahaan weli lagama saarin shaxda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close