Chelsea oo dib u soo cusbooneysiisay xiisaheeda ku aadan Manolas iyo Radja Nainggolan

blue

(London) 15 Nof 2016. Blues ayaa dib u soo cusbooneysiisay xiisaheeda ku aadan xiddigaha kooxda AS Roma ee Kostas Manolas iyo Radja Nainggolan sida ay warineyso Calciomercato.

Antonio Conte ayaa eeganayay suuro galinimada uu labadan xiddig ku keeni lahaa Stamford Brdige bilowgii kal ciyaareedkan welina iminka wuxuu xiiseynayaan labada laacib.

RUMOURS: Chelsea back in for Manolas & Nainggolan

Daafaca reer Greece Manolas ayaan ku faraxsanayn wada hadalada heshiis cusbooneysiintiisa ee kooxda ka dhisan Serie A, taa oo ku wargalisay kooxaha Chelsea iyo Man United suuro galnimada uu kaga soo tagi karo kooxda ka dhisan caasimadda Talyaaniga.

Roma ayaa la soo saxiixatay xiddiga qadka dhexe ee Nainggolan 2014-kii mar uu uga yaabsaday heshiis amaah ah, laakiin bandhigyadiisa kooxda iyo xulkiisa Belgium ayaa dareen galisay Conte.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close