”Waxaan taageeri jirey AC Milan” – Andrea Belotti

(Torino) 14 Nof 2016 – Warsidaha La Repubblica, ayaa waraysi la yeeshay hujuumka soo baxaya ee reer Talyaani ee Andrea Belotti oo ka hadlay kooxda uu taageero iyadoo uu laacibkan oo 93 jir ihi uu laba ka dhaliyay xulka Liechtenstein, wuxuu sheegay inuu garab jilacsan u leeyahay kooxda Rossoneri oo uu taageeri jirey.

“Waxaan had iyo goor u sacbin jirey AC Milan laacibka aan ku daydana wuxuu ahaa Andriy Shevchenko, waa laacib adag oo aan caadi ahayn, muhim ah misna aan isla waynayn, ayaamahan waxaan daawadaa laacibiin kale Kun Aguero, oo ah laacib had iyo goor gool dhaliya. ” ayuu yiri Beloti.

Way adag tahay inuu Belotti noqdo ninka bedeli kara ‘Sheva’, marka ay timaaddo sida ay u kala duwan yihiin farsamo iyo jir ahaanba, balse maaddaama uu laacibku taageere Milan ahaan jirey waxay taasi ka caawin kartaa maamulka Milan inay xiddiggan soo baxaya kusoo daraan weerarka Rossoneri.

Generated by  IJG JPEG Library
Generated by IJG JPEG Library
Generated by  IJG JPEG Library
Generated by IJG JPEG Library

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close