Real Madrid oo heshiis cusub ka saxiixaysa Karim Benzema

(Madrid) 14 Nov 2016 Real Madrid ayaa beegsanaysa sidii ay heshiis cusub uga saxiixi lahayd weerar yahankeeda reer France ee Karim Benzema.

Sida ay baahisay shabakada OkDiario, Karim Benzema ayaa ah laacibka xiga ee Real Madrid ay heshiis cusub ka saxiixi doonto kadib Bale iyo Ronaldo.

Qandaraaska Karim Benzema ee kooxda Real Madrid ayaa ku eg 2019, sidaas darteed lama dadajin qorshaha heshiis kordhintiisa laakiin Florentino Perez ayaa safka hore ka dhiganaya Benzema ciyaartoyda laga saxiixi doono heshiiska cusub sida lagu daabacay warbixinta.

Laacibka qudhiisa ayaa doonaya inuu iska sii joogo kooxdiisa Real Madrid, waxaana la filayaa inuu qalinka ku duugo heshiis cusub ka hor dhamaadka xiliciyaareed kan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close