Juventus oo qorshaheeda suuqa ku darsatay Memphis Depay

hd-memphis-depay-manchester-united_xq68lny30iw0z3g9w4yc5uqc

(Turin) 14 Nof 2016. Juventus ayaa bartilmaameedsaneysa weeraryahanka Manchester United Memphis Depay, sidaas waxaa lagu qoray Don Balon.

22 jirka haatan kuma jiro qorshaha Jose Mourinho ee Manchester United, sidoo kale Everton ayaa xiiseeneysa.

Hase ahaatee, Toffees waxa ay loolan kala kulmeysaa Juventus.

Naadiga Serie A-ga ka ka tirsan hore waxa ay u bidhaansatay James Rodriguez oo ay ka dhigtay ahmiyadeeda kowaad suuqa furmaya bisha Janaayo laakiin waxa ay bedel uga dhigi doontaa Depay hadii ay heli weyso.

Juventus waxa ay bixin doontaa £75 million waa hadii ay dooneyso James laakiin Depay amaah ayey ku heli kartaa madaama uu raadinayo daqiiqado uu dheelo.

memphis-depay-world-cup-qualifying-luxembourg-vs-netherlands-131116_5236kdwlrqdp1uzeh4gg2iol7

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close