”Horyaalka Talyaanigu wuu u baahan yahay kooxaha reer Milano” – Zola

(Roma) 14 Okt 2016 – Gianfranco Zola ayaa sheegay in horyaalka Serie A uu u baahan yahay naadiyada reer Milano si ay horyaalka ugu qabsadaan Juventus “horyaalkuna uu usii adkaado”.

Kooxda Bianconeri ayaa hanatay horyaalka Scudetto shantii sanadood ee tegey si weliba xiriir ah, jeer ay liiq liiqanayeen camaaliqooyinkii kale ee horyaalka.

“Juventus ayaa weli ugu cad cad inay horyaalka qaadato sanadkeedii ugu dambeeyay. Mase hubana inay horyaalka qaataan sanadkii 6-aad, Juve way is bedeshey wayse u fiican tahay, waayo waxay ka dhigan tahay inay xitaa kasii rayn karto,” ayuu yiri Zola oo la hadlayay TeleRadioStereo.

“Kooxaha kale waa inay sare isu qaadaan, kamana hadlayo garoonka oo qura ee waxaan xitaa ka hadlayaa dhanka maamulka.” ayuu raaciyay isagoo amaanay kooxaha Roma iyo Napoli.

“Naadiyada Milanese-ku waa inay heerkooda sare u qaadaan, wayna u socdaan dhankaas. Taasina waa waxa uu u baahan yahay horyaalka Talyaanigu si uu u noqdo mid adag.” ayuu ku dhameeyay.

untitled

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close