Goorma ayaa la sameynayaa isku aadka wareega 16-ka Champions League, sideed dhammaadka iyo waliba semi-final-ka?

cha

(Europe) 14 Nof 2016. UEFA ayaa shaacisay goorta la sameyn doono isku aadyada wareega 16-ka, sideed dhammaadka iyo waliba afar dhamamadka ama waxaad u taqaanaan semi-finalka.

Ilaa iminka waxaa wareega 16-ka u soo gudbay shan kooxood oo qura waana Arsenal, PSG, Atlético Madrid Bayern Munich iyo Dortmund.

Kooxaha kulanka ugu soo horreeya ku soo gudbi kara ayaa waxay iyana kala yihiin: Benfica, Napoli, Beşiktaş, Barcelona, Man City, Monaco, Leverkusen, Real Madrid, Leicester City, Porto, Sevilla iyo Juventus.

Kooxaha aan labada sare kusoo bixi karin ayaa iyana kala ah: Ludogorets, Basel, PSV, Rostov, Brugge, Dinamo Zagreb iyo Legia.

Haddaba isku aadka wareega 16 Champions League aya la sameyn doonaa 12 December, halka Quarter-finals ama sideed dhammaadka la sameyn doono 17 March.

Semi final-ka CL ayaa isna la sameyn doonaa 21 April hadduu eebe idmo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close