Bastian Schweinsteiger oo wadahadal la furay koox maraykan ah

(Manchester) 14 Nov 2016 Laacibka kooxda Manchester United ee Bastian Schweinsteiger ayaa la soo sheegayaa inuu wadahadal la furay koox ka dhisan horyaalka maraykanka.

Mirror ayaa daaha ka qaaday in Bastian Schweinsteiger uu wadahadal la furay kooxda Chicago Fire si uu ugu biiro suuqa kala iibsiga ee janaayo.

Waxaa la fahansanyahay in Schweinsteiger uu la kulmay tababaraha kooxda Chicago Fire ee Veljko Paunovic isbuucii hore, wuxuuna kala hadlay suurogalnimada uu ugu dhaqaaqi karo dhankooda.

Jose Mourinho and Bastian Schweinsteiger

Bastian Schweinsteiger ayaa loo sheegay inuusan markale garoon u gali doonin kooxdiisa United kadib markii uu qaabkiisa la dhiciwaayay tababare Mourinho.

Laacib kaan reer Jarmal ayaa iska diiday inuu katago United suuqii xaggaaga, wuxuuna sifiican uga fiirsanayaa dalabyada uga imaanaya horyaalka maraykanka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close