Ancelotti oo ka hadlay mowqifka uu ka joogo tababarida Inter

(Milan) 14 Nov 2016 Tababaraha kooxda Bayern Munich ee Carlo Ancelotti ayaa ka warbixiyay mowqifka uu ka joogo tababarida kooxda Inter Milan.

Ancelotti ayaa iska diiday inuu tababare u noqdo kooxda Inter oo ay hal meel kawada dhisanyihiin kooxda AC.Milan oo xili uu tababare u soo ahaa.

Carlo ayaa sheegay in haddii uu tababare u noqdo Inter uu ka hor imaanayo taariikhdii waynayd ee uu ka sameeyay dariskooda AC.Milan.

“Suurogal iima ahan inaan tababaro Inter, suurogal ma ahan inaan ka hor imaado taariikhdayda” ayuu u sheegay Canal +.

“Taariikhdayda Farance waxay ahayd PSG, sidoo kale talyaaniga waa AC.Milan laakiin ixtiraam wayn ayaan u haayaa Inter”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close