Rafinha oo isbarbardhig ku sameeyay Guardiola iyo Ancelotti

Image result for rafinha bayern

(Munich) 13 Nov 2016 Daafaca kooxda Bayern Munich ee Rafinha ayaa isbarbardhig ku sameeyay tababarihiisii hore ee Pep Guardiola iyo tababarihiisa haatan ee Carlo Ancelotti.

Rafinha ayaa ku tilmaamay Carlo Ancelotti sida aabe oo kale inuu u yahay dhamaan ciyaartoyda kooxda, halka Guardiola uu yahay tababare xooga saara intabadan taatikada.

31 jirka reer Brazil ayaa ku faanay inuu ka soo hoos ciyaaray labadaas tababare oo uu ku tilmaamay kuwa haatan ugu fiican aduunka.

Image result for rafinha bayern and Ancelotti

“Wax walba waa ay isbadaleen, labaduba waa tababareyaal aad u kala gadisan” ayuu u sheegay Rafinha ESPN.

“Pep waa tababare cusub, wuxuuna diirada saaraa intabadan taatikada, halka Ancelotti uu noola midyahay aabe oo kale aad ayuuna noogu dhawyahay, inbadan ayuuna nala hadlaa”.

“Ancelotti si adag ayuu u shaqeeyaa laakiin ma ahan sida Guardiola oo kale, labaduba waa tababareyaal waa wayn, waxaa wax wanaagsan noo ah inaan la soo shaqaynay labadooda”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close