Antoine Griezmann oo laga saaray kulanka uu Faransiiska ciyaarayo Talaadada, lamana buuxin doono booskiisa

an

(Paris) 13 Nof 2016. Antoine Griezmann ayaa seegi doona kulanka saaxiibtinimo uu Faransiiska talaadada la yeelan doono xulka Ivory Coast.

Dhaliyaha ayaa dhaawac cagta ah ka soo gaaray kulankii ay 2-1 uga adkaadeen xulka Sweden habeenkii jimcaha ciyaar ka tirsanayd isreeb-reebka koobka adduunka.

France ayaa iminka xaqiijisay in Griezmann uu seegi doono kulanka ka dhici doona Lens, iyagoo intaa ku daray inaysan u yaari doonin laacib booxiya booskiisa.

“Antoine Griezmann wuu ka maqan yahay kulanka sababo dhaawac cagta bidix, lama badeli doono.” Warbixin uu soo saaray xulka ayaa sidaa lagu yiri.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close