Stefano Pioli oo xushay safkiisii ugu horreeyay ee Inter & caawiye dhinaca maskaxda ah oo uu u yeeranayo!

(Milano) 12 Okt 2016 – Stefano Pioli oo ah macallinka bedeley Frank de Boer oo la eryay ayaa la sheegayaa inuu xushay safkiisa 1-aad kaas oo ay ku jiraan Gabigol iyo Mauro Icardi.

Maaddaama ay xiddigo badani ku maqan yihiin waajibaadka qaran, waxaa Pioli ku yar ragga uu kulankan u xulan karo, isagoo maanta la ciyaaraya kooxda Chiasso.

Wuxuu doortay shaxda 4-2-3-1, taasoo aan ka duwanayn middii uu adeegsanayay De Boer-kii xilka laga eryay, waxaase ku jira Gabriel ‘Gabigol’ Barbosa oo weerarka ku wehlinaya Icardi, halka Felipe Melo iyo Geoffrey Kondogbia ay khadka dhexe fadhiyaan.

Yeelkeede, sida uu qorayo La Gazzetta dello Sport, Pioli ayaa qorshaynaya inuu u yeero ‘macallinka dhinaca maskaxda’ ee Anthony Smith, kaasoo ay isla shaqaynayeen waagii Bologna.

Haddaba, ciyaarta oo haatan 3-1 ay Inter ku hoggaaminayso hoos ka eeg shaxda uu safay.

Inter: Handanovic; D’Ambrosio, Andreolli, Miangue, Santon; Melo, Kondogbia; Biabiany, Barbosa, Bakayoko; Icardi

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close