SHEEKO YAAB LEH: Real Madrid oo ku ganaaxi karta Cristiano Ronaldo OOKIYAALIHII uu xirnaa markii uu heshiiska cusub u saxiixayay

cr

(Madrid) 12 Nof 2016. Cristiano Ronaldo ayaa heshiis cusub u saxiixay Real Madrid, sida cadna kooxdu aad ayay ugu farxsanayd arrinkaa.

Kabtanka xulka Portugal ayaa la galay kooxda ka dhisan caasimada Spain heshiis ku eg ilaa 2021, wuxuuna ka hadlaya inuu waqtigaa kaddib xitaa sii ciyaarayo kubbada kolkaa uu afartameeyada gali doono.

Yeelkeede, Real Madrid ayaa ka carootay ookiyaalihii uu xirnaa Cristiano Ronaldo dhacdadii waynayd uu heshiiska cusub ugu saxiixayay kooxda.

Waxaad qudhaada is waydiineysaa sababta uu Ronaldo u xirtay ookiyaalaha maadaama aan horey looga baran waqtigii uu saxiixayay heshiiska laakiin sabab ayaa ka dambeysa inuu xirto.

Warar ka imaanaya Spain ayaa tibaaxaya in Ronaldo uu waqtigaa muhiimka ah u xirtay ookiyaalaha inuu eexasho ugu sameynayay xayaysiimihiisa shirkadda Nike oo uu qandaraaska dheer iminka la saxiixday.

Real Madrid ayaan ku farxin in waqti ay heshiis wayn shaacineyso lagu soo bandhigo shirkada Nike maadaama ay qandaraas kula jiraan shirkadda la coltanta ee Adidas.

Kooxda ka arrimisa Bernabeu ayaa badeecadaha shirkada Nike ka mamnuucday munaasabadaheeda, waxaana la arkaa  in Cristiano Ronaldo lagu ganaaxo inuu jabiyay anshaxa u yaala kooxda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close