Ozil oo si maldahan u muujiyay inuu sii joogayo Arsenal

arsene-wenger-mesut-ozil_gekzz7zhqo8l1w4n7m93eaojp

(London) 12 Nov 2016 Kubadd abuuraha kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa sameeyay arin u sii dhawaynaya inuu heshiis cusub qalinka ugu duugo kooxdiisa Gunners.

Arsenal ayaa aad ugu dadaalaysa sidii Mesut Ozil uu ku saxiixi lahaa heshiis cusub laakiin waxaa muuqanaysa in laacibku uusan qorshaynayn inuu katago waqooyiga London.

The Sun ayaa baahisay in Mesut Ozil uu iibsaday qasri wayn oo aad ugu dhaw xarunta tababarka ee kooxda Arsenal, wuxuuna kala baxay 10 milyan oo Ginni.

Arinkaan ayaa ka dhigan in Ozil uusan meelna ugu socon Arsenal inkasta oo laacibku uusan wali ogolaansho lagaarin kooxda macalin Wenger.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close