Liverpool, Chelsea iyo Manchester City oo lacago badan ku bixinaya diyaarado qaas ah si ay dhaqso ugu soo celiyaan Ingiriiska xiddigahooda reer Brazil

fff

(England) 12 Nof 2016. Kooxaha Liverpool, Chelsea iyo Man City oo ku wada dagaalamaya xagaagan horyaalka Premier League ayaa lacago badan ku bixinaya sidii ay xiddigahooda reer Brazil ee ku maqan waajibaadka xulkooda ay si dhaqsa leh ugu soo noqon lahaayeen Ingiriiska.

Lacago dhan 120,000 oo bound ayay ku bixinayaan diyaarado gaar ah oo xiddigahaa dib ugu soo celinaya Ingiriiska sida ugu dhaqsiyaha badan ee ugu macquulsan.

Wiilasha Liverpool Philippe Coutinho iyo Roberto Firmino, xiddigaha Chelsea David Luiz iyo Willian, ee lagu daray laacibka Man City Fernandinho ayaa dhammaan ku wada maqnaa waajibaadka xulka lagu naaneyso Samba usbuucan.

Roberto Firmino and Philippe Coutinho have been exceptional for Liverpool this season

 Brazil oo hogaamineysa isreeb-reebka koobka adduunka ee South America ayaa talaadada la ciyaari doonta Peru kaddib markii ay 3-0 uga soo talaabsatay xulka Argentina.

Dhammaan shanta ciyaaryahan ayaa door muhiim ah uga ciyaaraya kooxahooda marka ay dib ugu soo laabtaan Premier League.

Liverpool iyo Man City ayaa u kala safri doona Southampton iyo Crystal sabtiga soo socda halka Chelsea ay aadeyso Middlesbrough 24-saacadood kaddib.

Ma ahan markii ugu horreysay ay saddexdaan kooxood ee waa wayn ay lacago ku bixiyaan diyaarado gaar ah si ay si dhaqsi leh dib ugu soo celiyaan xiddigahooda reer Brazil oo waxay sidaa oo kale sameeyeen bishii la soo dhaafay kolkaa uu xulka Brazil la ciyaaray Venezuela isreeb-reebka koobka adduunka.

Chelsea will help pay the bill in order to get David Luiz back

Manchester City are also chipping in to bring back midfielder Fernandinho

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close