Inter, Milan iyo Barcelona oo iskula dheggan Roger Guedes

(Brasilia) 11 Okt 2016 – Garabka kooxda Palmeiras ee Roger Guedes ayaa waxaa wada raadinaya kooxaha Inter, Milan iyo Barcelona, balse waxaa lagu heli karaa adduun dhan €15m oo euro, sida uu sheegayo wakiilku.

Laacib-yarahan 20-jirka ah ee midigta ku ciyaara ayaa leh cag midig oo aan caadi ahayn farsamo ahaan, wuxuu sidoo kale leeyahay gembis biriq ah, isagoo ka mid ah laacibiinta aasaasiga ah fasal-ciyaareedkan, taasoo Palmeiras dhigtay figta sare ee horyaalka Brazil.

“Waa run, naadiyo badan ayaa eeganaya Roger bilihii ugu dambeeyay, maxaa yeelay waa laacib hibo ciyaareed leh,” ayuu yiri wakiilka Cesar Bottega oo la hadlayay Calciomercato.com.

“Kooxaha Inter iyo Milan ayaa wada cayrsanaya laacibka oo ay aad u jecel yihiin, balse haatan ma jiro dalab rasmi ah oo miiska saaran.” ayuu daba dhigay.

Dhanka Spain waxaa jira warar sheegaya in Barcelona ay leedahay diidmada 1-aad ee garab-weerarka Roger Guedes.

“Haddii aad daacad hadlo, Barcelona waxay Brazil u timid inay iibsato Gabriel Jesus, balse waxay garowsadeen tayada ciyaareed ee saaxiibkii ay isku kooxda yihiin ee Roger Guedes.” ayuu ku jwbay.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close