Dani Alves oo fariintan u diray Lionel Messi…(Kaddib kulankii uu xulka Brazil 3-0 ku dhuftay Argentina)

lio

(Brazil) 12 Nof 2016. Xulka Brazil ayaa guul daro xanuun badan dusha u saariyay xulka Argentina ciyaar ka tirsanayd isreeb-reebka koobka adduunka ay wada yeesheen jimcihii.

Kabtanka xulka Brazil ee kulankaa Dani Alves ayaa fariin damqasho leh u soo diray saaxiibkii Lionel Messi kaddib kulanka.

Messi iyo Alves aaya waqti dheer wada joogay kooxda Barcelona oo ay koobab badan la qaadeen waxaana taa dheer inay si kale isaga dhawaayeen xiddigaha kale.

Alves oo iminka ka tirsan kooxda Juventus ayaa fariintan Instagram u soo dhigay Messi kaddib guushii uu ka gaaray xulkiisa.

“Markasta waa farxad inaan ku arko saaxiib,  had iyo jeer waxaan kuu rajeynayaa tan ugu fiican, waxaad tahay laacibka ugu fiican adduunka markasta.”.

“Siempre un gusto encontrarte amigo, te deseo lo mejor siempre, eres el mejor de todos.” #goodcrazyinthahouse😜 #ilovethisgame

A photo posted by DanialvesD2 My Twitter (@danialves23) on

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close