Cristiano Ronaldo oo farriin niyad dhis ah u diray Ciyaartooy da’yar oo laga helay cudurka Kansarka

cxeiuzdxgae4kty

(Lisbon), 12 Nof  2016  –Weeraryahanka xulka Qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa farriin niyad dhis ah u diray Ciyaartooy da’yar oo uu haleelay cudurka halista ah ee Kansarka.

Wiilkan oo 19 jir ah ayaa xilli ciyaareedkan uun heshiis u saxiixay kooxda Boastiva ee Bortuqiiska, waxaana lagu magacaabaa Edu Ferreira balse nasiib darro waxaa lagu sheegay cudurka Kansarka oo uu haatan dawadiisa qaato, taas oo gebi ahaanba dhinac u tuurtay riyadiisii Kubadda Cagta.

Kooxda uu wiilkan qandaraaska la galay ayaa bixinaysa daawada uu qaadanayo Edu.

Ronaldo ayaa wiilkan yar u soo diray Funaanaddiisa lambarka 7′ ee xulka Bortuqiiska oo uu qoraal gacmeedna ku soo dul qoray, iyadoo sidoo kalena Ronaldo uu farriimo kale u diray inankan, waxaana uu u rajeeyay Caafimaad.

CR7 ayaa caan ku ah inuu caawiyo dadka dhibaateysan ee dunida ku kala nool haba ugu badnaadeen carruurta da’da yar.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close