Atletico Madrid oo ka walwalsan in Antoine Griezmann uu seego Derby Madrid

(Madrid) 12 Nov 2016 Kooxda Atletico Madrid ayuu soo wajahay walwal daran kadib markii uu dhaawacmay weerar yahankooda Antoine Griezmann.

Sida laga soo xigtay Marca, kooxda Atletico Madrid ayaa ka warsugaysa baaritaanada lagu samaynayo Antoine Griezmann si loo kala ogaado inta maalin ee uu ka maqnaan karo garoomada.

Griezmann ayaa dhaawac looga saaray ciyaarta daqiiqadii 88-aad kulankii xalay xulka France uu 2-1 uga adkaaday xulka Sweden isreeb reebka koobka aduunka ee 2018.

Photo published for Gol Griezmann di Injury Time, Bantu Atletico Kalahkan Rostov 2-1

Kooxda reer Spain ayaa laciyaari doonta dhigeeda Real Madrid, waxaase walwal wayn u ah inay waayaan Antoine Griezmann kulankaas muhiimka ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close