WAAYO DHAMAADAY: ”Waa seddexdii todobaad ee iigu dambeeyay waayahayga Milan” – Adriano Galliani

(Milano) 11 Okt 2016 – Adriano Galliani ayaa qirtay in ay dhamaadeen waayihiisii Milan isagoo leh “Waxay ila tahay inay maalmahani yihiin 3dii todobaad ee iigu dambeeyay Milan, maaddaama aanan aqoonin qabashada xil aan ahayn kan guddoomiyenimo (CEO)”.

Iibka Milan uu iibiyay Silvio Berlusconi oo kooxda ka gaday dallada Sino-Europe Sports ayaa heshiiskeeda la dhamaystiri doonaa 2-da bisha Diseembar ee soo aaddan, taasoo soo afjari doonta 30-kii sano ee uu kooxda maamulayay Dr Galliani.

Mar uu su’aashan waydiiyay qannaaskii hore ee Milan ee Andriy Shevchenko oo kala qayb galay barnaamijka baxay MTV oo hor dhigay inuu San Siro sii joogayo, wuxuu 72-jirkani qirtay: “Waxay u muuqataa inaan ku jiro 3-dii todobaad ee iigu dambeeyay Milan.”

“Kibir igama aha, balse weligay ma qabanin xil aan ahayn guddoomiye, mana aqaanno xil kale. Maxaan qabanayaa? Waa kolleey 3-dii todobaad ee iigu dambeeyay Milan kaddib 30 sano.” ayuu yiri Galliani.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close