Thiago Alcantara oo ka carooday isbarbardhiga Messi iyo Ronaldo

(Munich) 11 Nov 2016 Xiddiga kooxda Bayern Munich iyo xulka Spain ee Thiago Alcantara ayaa ka carooday isbarbardhiga marwalba lagu sameeyo Messi iyo Ronaldo.
Thiago Alcantara oo waraysi gaar ah siinayay idaacada Cadena Cope ayaa la waydiiyay cida fiican Ronaldo iyo Messi, wuxuuna si caro leh u sheegay in isbarbardhigaas uusan ahayn mid u fiican kubadda cagta.
Laacibka Bayern Munich ayaa intaa ku daray in Messi iyo Ronaldo labaduba ay yihiin ciyaartoyda haatan ugu fiican aduunka isaga oo aan kala qaadin.
“Ronaldo ama Messi? Waan ka daalay isbarbardhigooda, taasi ma ahan mid u fiican kubadda cagta, labaduba waa laacibiin waa wayn” ayuu yiri Thiago Alcantara.
“Shaki kuma jiro in Messi iyo Ronaldo ay yihiin labada laacib ee haatan ugu fiican aduunka” ayuu sii raaciyay.
Gool FM