SAWIRRO XUL AH:  Banaadir oo riggoorayaal ku qaaday  Super Cup-ka Soomaaliya

(Muqdisho) 11 Nov 2016-Kooxaha Jeenyo  iyo Banaadir  ayaa isaga hor yimid kullanka kala baxa ah ee Sper Cup-ka ee loo dhigo kooxaha kala qaada Koobabka Horyaalka iyo kan Jen.Daa’uud.

Banaadir ayaa soo qaaday horyaalka Soomaaliya, halka Jeenyo ay kusoo guuleysatay koobka Janeraal Daa’uud

Ciyaarta ayaa ku billaabatay si dar dar ah waxaana  u suura gashay in Jeenyo ay qabato hoggaanka ciyaarta iyadoo gool ka heshay xiddiga weerarka ee Shaarkeey.

Kooxda Banaadir ayaa isku deyday in ay la timaado goolka bar baraha balse ma aysan noqon waxaana qeybtii hore lagu kala nastay  1-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta, ayaa labada kooxood waxa ay halkooda kasii wadeen  bandhiga qurxoon iyadoo qeybihii dambe ee ciyaarta kooxda Banaadir la timid goolkii bar baraha waxaana u ansixiyay xiddiga Marcel, iyadoo ciyaarta kusoo dhamaatay 1-1.

Labada kooxood ayaa lagu kala saaray gool ku laad, waxaana 3-2 ku adkaatay kooxda Banaadir Sports Club, waxaana la gudoonsiiyay koobka Super Cup-ka Soomaaliya.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
img_0025 img_0065 img_0075 img_0088 img_0101 img_0110 img_0161 img_0164 img_0172 img_0176 img_0182 img_0187 img_0207 img_0211 img_0215 img_0216 img_0235 img_0244 img_0250 img_0261 img_0274 img_0277 img_0291 img_0295 img_0303 img_0307 img_0334 img_0356 img_0363 img_0387 img_0389 img_0390 img_0411 img_0417 img_0459 img_0478 img_0483 img_0486 img_0492 img_0599 img_0642 img_0646 img_0662 img_0663 img_0665 img_0666 img_0669 img_0681 img_0688 img_0695 img_0696 img_0702 img_0704 img_0713 img_0719 img_0723 img_0770 img_0771 img_0796 img_0798 img_0799 img_0819 img_0823 img_0833 img_0856

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close