Marcelo iyo Luka Modric oo heli doona nasiino dheeraad ah ka hor Derby Madrid

(Madrid) 11 Nov 2016 Qaar kamid ah ciyaartoyda kooxda Real Madrid ayaa heli doona nasiino dheeraad ah ka hor kulanka sabtiga dambe ee Derby Madrid.

Daafaca xulka Brazil ee Marcelo iyo xiddiga xulka Croatia ee Luka Modric ayaa la siin doonaa nasiino dheeraad ah sida ay baahisay AS.

Marcelo ayaa la xaqiijiyay inuu seegi doono kulanka xulkiisa Brazil uu la ciyaari doono xulka Peru kadib markii uu xalay qaatay jaale u diidaya inuu ka soo muuqdo kulankaas taas oo dan wayn u ah kooxda Real Madrid.

Image result for Luka Modric Croatia

Dhanka kale Luka Modric ayaa kula heshiiyay xulkiisa inuu u ciyaaro kaliya kulanka Iceland isaga oo nasan doona kulanka xulkiisu uu laciyaari doono xulka Northern Ireland.

Labadaan laacib ayaa heli doona nasiino dheeraad ah oo aysan heli doonin ciyaartoyda kale ka hor kulanka Derby Madrid ee sabtiga dambe.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close