Kingsley Coman oo garoomada ka maqnaan doona laba bil

(Munich) 11 Nov 2016 Kooxda Bayern Munich ayaa helaysa war naxdin leh kadib markii la shaaciyay mudada uu garoomada faarujin doono laacibkooda Kingsley Coman.

Bayern ayaa maanta oo jimco ah xaqiijisay in Kingsley Coman uu wajihi doono maqnaashaha 8-isbuuc kadib dhaawac ka soo gaaray jilibka iyo anqawga isbuucaan gudihiis xili uu ku guda jiray tababarka xulka France.

“Kingsley Coman wuxuu maqnaan doonaa laba bil” ayaa lagu yiri war qoraaleed ka soo baxay maanta kooxda Bayern Munich.

Laacib kaan ayaa ku dhaawacmay tababarkii xulka France uu isugu diyaarinayay kulanka Sweden ee isreeb reebka koobka aduunka ee 2018.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close