DEG DEG: Kooxda Banaadir oo hanatay Super Cup-ka Somalia

(Muqdisho) 11 Nov 2016 Kooxda Banaadir ayaa hanatay koobka Super Cup-ka Somalia oo galabta ay ku wajeheen kooxda Jeenyo garoonka Koonis.
Labada kooxood ayaa ku kala baxay rigoorooyin kadib markii ciyaartu ay ku soo idlaatay barbaro 1-1 ah waqtigii loogu talo galay.
Jeenyo oo la hormartay goolka waxaa u dhaliyay Shaarkeey, waxaana u soo barbareeyay kooxda Banaadir xiddigooda Marcel.
Labada kooxood ayaa lagu kala saaray gool ku laad, waxaana 3-2 ku adkaatay kooxda Banaadir Sports Club, waxaana la gudoonsiiyay koobka Super Cup-ka Somalia.
Gool FM