Ronaldo oo qirtay in Barcelona ay isku dayday saxiixiisa

Image result for Ronaldo vs Barcelona

(Madrid) 10 Nov 2016 Laacibka kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in kooxda Barcelona ay isku dayday saxiixiisa markii uu la joogay kooxda Sporting Lisbon.

Ka hor intii uusan u dhaqaaqin kooxda Manchester United 2003, laacib kaan ayaa soo jiitay indhaha kooxo badan oo ay ku jirto Barcelona.

Ronaldo ayaa sheegay Manchester United ay ahayd kooxda sida wayn u doonaysay isaga isla markaana Ferguson uu u yimid si uu ugu qanciyo ka ciyaarida horyaalka ingiriiska.

Image result for Ronaldo vs Barcelona

“Markii dhawr kulan aan u ciyaaray Sporting Lisbon, waxaa aad iila dhacay kooxo badan oo ay kamid yihiin Barcelona, Arsenal, Valencia iyo Inter” ayuu u sheegay wargayska O Jogo ee dalka Portugal.

“Rabitaanka Manchester United ayaa ahaa mid wayn, waxaa ii yimid tababare Ferguson mana aanan filanayn taas, lama filaan ayeeyna ii ahayd aniga”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close