RASMI: Qatar oo marti gelinaysa Koobkii Adduun ee ugu horreeyay ee Khamri la’aan ah

those-guilty-of-being-drunk-in-public-could-be-banned-from-buying-alcohol-in-illinois-town

(Qatar), 10 Nof  2016   –Xitaa haddii Irish-ku u soo baxaan Koobka Adduunka 2022 ee Qatar wax Khamri ah kama cabi doonaan waddankaasi inta ay socdaan Cayaaraha Adduunka.

Qaban qaabiyeyaasha Koobka Adduunka 2022 ee Qatar ayaa shaaca ka qaaday in taageerayaasha u safri doona Madashaasi aysan wax khamri ah ku cabi doonin Waddooyinka, Baarkinnada iyo Goobaha Dadweynaha sida uu caddeeyay Xoghayaha Guud ee Qaban qaabiyeyaasha Koobkaasi Hassan Al-Thawadi.

“Waxaan ka soo hor jeednaa in Khamriga lagu iibiyo Garoommada Cayaaraa, goobaha ku xeeran iyo waddooyinka” ayuu yiri Hassan.

Arrintani ayaa waxay abuuraysaa muran maadaama Xiriirka Cayaarahani uu hoos tago ee FIFA ay heshiisyo xayaysiin ah kula jiraan shirkadaha Khamriga sameeya.

Waddanka Brazil oo marti geliyay Koobkii Adduunka 2014 ayaa isagana waxaa sharcigiisa ku jirtay in Khamriga aan lagu iibin karin garoommada ciyaaraha balse waxaa arrintaasi is hor taagtay xiriirka FIFA.

Haddii Qatar u suurtogasho arrintani ayaa waxay noqonaysaa Koobkii ugu horreeyay ee Adduun ee Khamri la’aan ah, taasi oo ay u riyaaqi doonin waddamo badan oo dabaal degyadaasi caadeystay in ay Aalkolada cabaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close