Cristiano Ronaldo oo sheegay kooxdii ugu adkeyd ee uu ka hor tago Koobka Champions League in ay ahayd..

0f28e1bdc579dff7575c130fe2e1c0077ebe8eff

(Madrid), 10 Nof 2016   –Xidigga kooxda Real Madrid ee Waddanka Spain Cristiano Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday kooxdii ugu adkeyd ee uu abid ka hor tago Koobka Horyaallada Yurub ee UEFA Champions League.

Inkastoo Ronaldo oo 3 jeer ku guuleystay Champions League oo laba ka mid ah ay Real Madrid Final-ka isku arkeen Atletico Madrid iyo mar uu Man United la soo qaaday ayaa haddana kooxda uu aadka uga cabsado oo uu u arko inay tahay tii ugu adkeyd ee uu qaabilo ku tilmaamay Borussia Dortmund.

Ronaldo oo 31 jir ah oo la hadlayay ‘Metro’ ayaa waxa uu yiri “Mar walba oo aan u safrayno Dortmund, waxaan ka dheregsannahay in aan waqti adag wajahayno, waxay leehyihiin garoon heer sare ah iyo taageerayaal xamaasaddoodu gaarayso illaa heerka waallida, waana koox ay adag tahay in laga guuleysto”.

Cristiano waxa uu aad u ammaanay tababaraha haatan ee Dortmund Thomas Tuchel oo uu ku sheegay nin wanaagsan.

Sanadkan waxa ay Real Madrid garoonka Dortmund kula gashay 2-2 ciyaar ka tirsanayd qaybta (F) ee Champions League, waxaana Dortmund ay hoggaaminaysaa qaybtan iyadoo leh 10 dhibcood, halka Real ay ku jirto kaalinta 2′ iyadoo leh 8 dhibcood.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close