”Bunisyoonada Pjanic & Pirlo waa isku nooc” – Zola oo si xeel dheer u sharraxaya sababta

(Torino) 10 Okt 2016 – Gianfranco Zola ayaa is barbardhig ku sameeyay laadadka xorta ah ee laacibka Juventus ee Miralem Pjanic iyo xiddiggii hore ee Andrea Pirlo.

Laacibkan Bosnian-ka ah ayaa Axaddii goolka guusha kooxdiisa ku siiyay laad xor ah oo uu si wanaagsan u qaaddeeyay oo uu ka dhaliyay Chievo, isagoo sidaa ku noqday ninka dhaxlay macallimiintii Bianconero laadadka u qaadi jirey ee Pirlo, Alessandro Del Piero iyo Roberto Baggio.

“Waxaan eegay qaar ka mid laadadkan xorta ah, markii asaasi ahaan loo eego waa kubado halis ah, waana isku mid Pjanic iyo Pirlo, mana la yaabayo inuu Miralem u kuur galay Pirlo,” ayuu yiri Zola, oo laftiisu khabiir ku ahaa laadadka xorta ah, oo cashar arrintan ku saabsan kala hadlay Gazzetta dello Sport.

“Laadadka Pirlo waxaa laga qalin daartay Juninho Pernambucano, oo sidoo kale tusaale u ahaa Pjanic.

“Sirta laadka xorta ah? Waxay u baahan tahay tababar iyo dhiifoonaan. Mar kasta oo ay kubaddu goolka u dhow dahay way ka xooggan tahay, halka [Sinisa] Mihajlovic ay tiisu saxsanaan jirtey marka uu goolka ka fogyahay.” ayuu yiri.

“Pirlo iyo Pjanic labaduba waxay laadka sixi ogyihiin marka ay goolka u dhow yihiin, farsamadoodu waa isku mid, tillaabooyin badan dib uma qaadaan.” ayuu raaciyay.

“Miralem wuxuu qaadaa laba tillaabo, Pirlo waa la mid. Waa laacibiin kubadda ku qaada oogada cagta, si ay u waniiniyaan oo ay u wareegto.” ayuu yiri Zola.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close