Ancelotti oo ka hadlay fursada Marco Verratti uu ugu biiri karo Bayern Munich

Image result for Marco Verratti and Ancelotti

(Munich) 10 Nov 2016 Tababaraha kooxda Bayern Munich Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay fursada laacibka qadka dhexe ee PSG uu ugu biiri karo kooxdiisa.

Marco Verratti ayaa cadaystay inuu jeclaan lahaa inuu markale ka hoos ciyaaro tababaraha reer talyaani ee Carlo Ancelotti maadama haatan ay isku dhacsanyihiin tababare Unai Emery.

Laakiin Ancelotti ayaa sheegay inay aad u adagtahay in Marco Verratti uu ku soo biiro Bayern Munich, wuxuu kaloo cadeeyay in Juventus aysan u baahnayn Verratti.

Image result for Marco Verratti and Ancelotti

“Ma garan karo in Bayern ama Juventus ay soo qaadan doonaan Marco Verratti, intabadan wakiilada ciyaartoyda waxay sameeyaan waxyaabo ay ku kordhiyaan qiimaha laacibka” ayuu yiri Ancelotti.

“Wali ma aanaan qorshayn mustaqbalka, laakiin inaad ka soo qaadato laacib koox PSG oo kale ah waa mid aad u adag”.

“Sidoo kale waxaan rumaysanahay in Juventus aysan u baahnayn Marco Verratti maadama ay haystaan Miralem Pjanic”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close