AC Milan oo doonaysa inay Carlos Bacca ku bedelato Edin Dzeko! (Waa maxay jawaabta Roma?)

(Milano) 10 Okt 2016 – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in AC Milan ay doonayso in ay Carlos Bacca kusoo bedelato Edin Dzeko, balse Roma arrintan kama hadli doonto ilaa xagaaga.

Kooxda Rossoneri ayaa waxaa la wareegi rabta dallad Chinese ah oo ku midaysan Sino-Europe Sports oo ka iibsanaysa Silvio Berlusconi, balse waloow ay kooxdu wada xaajoodyadaa dheeraa darteed uga maqnayd suuq-xagaagii waxay taasi ka dhigan tahay inay is adkayn doonto bisha Jannaayo.

Hadda Tuttosport ayaa sheegaya in maamulka cusubi uu doonayo inuu Bacca kusoo bedesho gool dhaliyaha Serie A ee Dzeko.

Bacca ayaa wax gool ah ku sarin 5 kulan, waxaana sii xumaanaya xiriirka uu la leeyahay macallin Vincenzo Montella, isagoo kulankii Pescara diidey inuu gacan qaado kaddib markii beddel loo taagey.

Yeelkeede, Giallorossi ayaan bisha Jannaayo u diyaar ahayn inay Milan arrintan kala hadasho ka hor xagaaga soo aaddan, taasoo Milan khasab kaga dhigaysa inay meel kale eegto.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close