Griezmann “Waxaan jeclaan lahaa inaan Paul Pogba kala garab ciyaaro Manchester United”

download

(Paris), 09 Nof  2016  –Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid iyo xulka Faransiiska Antoine Griezmann ayaa shaaca ka qaaday inuu jeclaan lahaa haddii uu ka garab ciyaari lahaa Paul Pogba dhinaca kooxda Manchester United.

Griezmann oo haatan ku maqan dhinaca xulka dalkiisa oo uu tababar la samaynayo ayaa Social Media-ha soo dhigay dhowr sawir oo uu la galay Pogba, waxaana sawirradaasi ka mid ahaa mid uu ku soo dhejiyay boggiisa twitter-ka xilli isaga iyo Pogba ay gadaal ka fadhiyeen baabuurka yar ee ciyaarta Golf-ka.

“Mar walba waxaan Paul Pogba ka wareystaa Manchester United” ayuu Griezmann u sheegay ‘Sky Sports News Germany.

“Waxaan aaminsanahay in United ay tahay koox weyn oo leh dhisme qurux badan, waxaan Pogba ka wareystaa ciyaartoda kooxdiisa inay si dhab ah u wanaagsan yihiin ama in Jose Mourinho uu nin fiican yahay iyo in kale” ayuu sii raaciyay Dhaliyihii ugu fiicnaa Koobkii Euro 2016.

“Waxaad maqasheen waxyaabo fara badan (Warar hoose) oo ila xiriirinaya Manchester United iyo Paris Saint-Germain, laakiin waqtigan xaadirka ah iima muuqato inaan u wareegayo naadi cusub, laakiin way wacnaan lahayd haddaan maalin maalmaha ka mid ah ka garab ciyaari lahaa Paul Pogba” ayuu ku soo geba gebeeyay Griezmann.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close