Gareth Bale oo loo magacaabay laacibka sanadka ee Wales

cwxwhqdw8aafoj7

(Wales) 09 Nof 2016. Gareth Bale ayaa markii afaraad oo xiriir ah ku guuleystay abaal marinta laacibka sanadka ee dalkiisa Wales.

Waana markiisii lixaad 7-sano gudahood, xiddiga Real Madrid ayaa abaal marinta laacibka ugu fiican ee dalkaa lagu guddoonsiiyay xalfad ay qabteen xiriirka kubbada cagta ee Wales.

27-jirka ayaa wacdaro ka dhigay koobkii Euro ay sida lama filaanka xulkiisa ku gaareen afar dhammaadka isagoona saddex gool ku dhaliyay wareega gruupyada halka uu markii labaad Champions League kula guuleystay Los Blancos.

Bale oo 64-kulan u saftay xulkiisa ayaa sidoo kale ku dhow inuu noqdo laacibka ugu goolasha badan taariikhda dalkaasi oo wuxuu 3-gool uun u jiraa ninka iminka ugu goolasha badan ee Ian Rush 28-gool.

Xiddiga qadka dhexe ee Stoke City Joe Allen ayaa isna loo doortay laacibka ciyaartoyda iyo taageerayaasha sanadka ee dalkaasi.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close