Xiriirka kubadda cagta Chile oo war rasmi ah ka soo saaray dhaawaca Alexis Sanchez

(Santiago) 08 Nov 2016 Xiriirka kubadda cagta dalka Chile ayaa ugu danbayntii war rasmi ah ka soo saaray dhaawicii soo gaaray laacibkooda Alexis Sanchez.

Xiddigaan ayaa dhaawac soo gaaray uga baxay tababarkii saaka uu xulku isugu diyaarinayay kulanka Colombia ee isreeb reebka koobka aduunka.

Xiriirka kubadda cagta Chile ayaa xaqiijiyay in Alexis Sanchez uu si rasmi ah u seegi doono kulanka Colombia kadib dhaawicii soo gaaray.

“Sanchez dhaawac fudud ayaa ka soo gaaray tababarkii saaka, si rasmi ah ayuuna u seegi doonaa kulanka Colombia” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xiriirka kubadda cagta ee Chile.

“Alexis Sanchez wuxuu mari doonaa baaritaano dheeraad ah si loo kala cadeeyo inuu ciyaari karo kulanka Uruguay iyo inkale”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close