“Weligey ma arag isagoo kale.”. Mesut Ozil oo ammaan kala dul dhacay Cristiano Ronaldo

crr

(London) 08 Nof 2016. Kubbad qaabeeyaha Gunners Mesut Ozil ayaa ammaan ugu qubeeyay saaxiibkii hore ee Cristiano Ronaldo, kaddib laacibka oo dhawaan heshiis cusub oo qaali ah qallinka ugu duugay Real Madrid.

Ozil iyo Ronaldo ayaa saddex sano ku soo wada qaatay gegada Bernabeu ka hor inta uusan laacibka reer Germany adduun dhan 42.5-milyan oo bound ugu soo dhaqaaqin Emirates Stadium sanadii 2013.

28-jirka ayaa waqtigiisii Los Blancos ahaa boqorka caawinta goolasha horyaalka Spain wuxuuna qiray saameynta uu Ronaldo ku lahaa waayihiisa ciyaareed.

Mesut Ozil and Cristiano Ronaldo while at Real Madrid

“Weligey ma arag isagoo kale,” Ozil ayaa sidaa u sheegay Kanaalka YouTube ee Arsenal.

“Waa kan ugu horreeya qolka dher badelashada waana kan ugu dambeeya ee ka soo baxa. Waa xirfadle daran marakastana doonaya inuu dagaalamo xitaa marka lagu jiro tababarka.

“Dhabtii waan ku raaxeystay inaan la ciyaaray. Wuxuu iga dhigay inaan ku fiicnaado garoonka. Waa xariif fiican iyo saaxiib fiican.

“Dabcan, waxaan siiyay caawimaad badan, haddii aan siiyo labo caawin wuxuu dhalinayaa labo gool.

“Waa ciyaaryahan cajiib ah. Mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka iyo taariikhdaba.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close