“Taam ayaan u ahay kulanka Scotland” – Harry Kane

Photo published for Harry Kane sends message to England team-mates ahead of Scotland clash

(London) 08 Nov 2016 Weerar yahanka xulka qaranka ingiriiska ee Harry Kane ayaa cadeeyay inuu taam u yahay kulanka adag ee xulkiisu uu laciyaari doono xulka Scotland.

Harry Kane ayaa dhaawac uu in mudo ah la maqnaa ka soo laabtay kulankii ay kooxdiisa Tottenham 1-1 lagashay dariskooda Arsenal.

23 jirka xulka ingiriiska ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka soo muuqdo kulanka jimcaha xulkiisa uu laciyaari doono xulka Scotland.

“Waxaan rumaysanahay in kulankii Arsenal uu banaanka soo dhigay inaan jir ahaan taam u ahay inaan u ciyaaro xulka ingiriiska, waxaan dareemayaa inaan ku jiro xaalad fiican” ayuu yiri Harry Kane.

“Ma jirto marmarsiiyo aanan ku ciyaari karin, waayo ma jirto dhib dhaawac oo haatan i haysta, taasna waxay iga caawinee inaan xaalad fiican ku jiro inta ka harsan xiliciyaareed kan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close