“Ronaldo ayaa u qalma Ballon d’Or” – Luis Nani

(Madrid) 08 Nov 2016 Laacibka ay isku dalka yihiin Cristiano Ronaldo ee Luis Nani ayaa saadaaliyay laacibka ku guulaysan doona xiddiga ugu fiican aduunka.

Luis Nani ayaa sheegay inaysan jirin cid uga xaq leh Ronaldo abaal marinta laacibka ugu fiican aduunka sanadkaan kadib markii uu u qaaday laba koob oo muhiim ah xulkiisa iyo kooxdiisa.

Nani ayaa intaa ku daray in Ronaldo uu yahay laacib haysta kalsooni badan isla markaana awood u leh inuu ciyaaro sanado badan.

“Waxaan rumaysanahay in Ronaldo uu u qalmo hanashada Ballon d’Or marka la fiiriyo wax qabadkiisa” ayuu u sheegay wargayska AS.

Image result for ronaldo ballon d'or

“Wuxuu guulo ka soo hooyay tartamada waa wayn, Real ayuu la qaaday Champions League halka Portugal uu la qaaday Euro, sidoo kale xiliciyaareed cajiib ah ayuu ku soo bandhigay horyaalka, sidaas darteed waxaan rumaysanahay inuu u qalmo”.

“Ronaldo waa laacib muhiim u ah xulka qaranka, wuxuu haystaa kalsoonida dadka dhan, waxaan filayaa inuu awoodo inuu sii ciyaaro sanado badan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close