RASMI: Ronaldo oo heshiis dheer u saxiixay shirkada Nike

(Madrid) 08 Nov 2016 Laacibka kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa la shaaciyay inuu heshiis waqti dheer ah qalinka ugu duugay shirkada qalabka Sportiga ee Nike.

Cristiano Ronaldo ayaa u saxiixay Nike heshiis soconaya ilaa waqti aan la xadidin, waxaana xusid mudan in laacib kaan uu heshiis kula jiray shirkadaan ilaa 2003.

Xiddiga reer Portugal ayaa sanadkii ka qaadan doona shirkada Nike 24 milyan oo euro, heshiiska ayaana ku soo beegmaya 48 saac kadib markii uu saxiixay heshiiskiisa cusub ee Real Madrid.

“Xiriir gaar ah ayaa igala dhexeeya Nike, saaxiibo badan ayaanan ku leeyahay shirkadaan, waxaan u shaqaynaynaa sida hal qoys oo kale” ayuu yiri Cristiano Ronaldo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close