RASMI: Inter oo magacaawday tababare cusub

(Milan) 08 Nov 2016 Kooxda Inter Milan ee dalka talyaaniga ayaa si rasmi ah u shaacisay inay magacaawday tababare Stefano Pioli si uu u layliyo kooxda.

51 jirkaan reer talyaani ayaa u saxiixay kooxda Inter Milan heshiis ku eg ilaa June 2018, kadib markii uu is afgarad lagaaray maamulka kooxda.

Inter ayaa iska cayrisay suuqii xaggaaga tababare Roberto Mancini iyaga oo kadib magacaabay tababaraha reer Holland ee Frank de Boer.

Tababare de Boer ayaana ku fashilmay inuu kooxda gaarsiiyo heerkii ay filayeen milkiilayaasha kooxda, waxayna ku qasbanaadeen inay iska cayriyaan oo ay magacaabaan tababare Stefano Pioli.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close