Juventus oo doonaysa James Rodriguez bisha janaayo (WARBIXIN)

(Torino) 08 Nov 2016 Kooxda Juventus ee dalka talyaaniga ayaa doonaysa kubadd abuuraha kooxda Real Madrid iyo Xulka Colombia ee James.
Laacib kaan ayaa intabadan waqtigiisa ku qaata kursiga keydka ee Real Madrid kadib markii tababare Zidane uu ku qanciwaayay qaab ciyaareedkiisa.
Sida uu baahiyay Corriere dello Sport, kooxda Juventus ayaa isku dayi doonta saxiixa James Rodriguez suuqa kala iibsiga ee bisha janaayo.
Kooxda reer talyaani ayaa doonaysa inay ka faa’idaysato fursad yarida James ku haysata kooxdiisa Real Madrid kadib markii lasafay kaliya 4 kulan xiliciyaareed kan isaga oo dhaliyay hal gool isla markaana abuuray 3-kale.
Juventus ayaa daraasaynaysa xaalada James Rodriguez ee Real Madrid waxaana lagayaabaa in kooxdu ay dalab ka gudbiso suuqa kaa iibsiga ee janaayo.
Gool FM