Inkastoo ay Chelsea heyso wadada saxda ah misane tababare Conte ayaa doonaya inuu isbadel wayn ku sameeyo suuqa Janaayo..(Yuu doonayaa yuuse fasaxayaa?)

cccc

(London) 08 Nof 2016. Chelsea ayaa hogaanka Premier League looga hayaa hal dhibic oo qura waxayna soo bandhigeysay ciyaar aad loola cajabay sidaa oo ay tahay tababare Antonio Conte ayaa doonaya inuu is badel wayn ku sameeyo Blues bisha Janaayo sida ay qoreyso Mirror.

Conte ayaa doonaya inuu adkeeyo qadkiisa dhexe iyo daafaca dambe ee kooxda marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Antonio Conte

Macallinka reer Talyaani ayaa bartilmaameedsanayo sida la warinayo  Steven N’Zonzi ee qadka dhexe kaga ciyaara Sevilla iyo kubbad bur-buriyaha Inter Milan ee Geoffrey Kondogbia.

Sidoo kale Conte ayaa doonaya inuu shaxdiisa ku soo kordhiyo daafac dhexe iyo daafac ka ciyaara dadabka bidix.

Marka laga soo tago xiddigaha uu doonayo Conte waxaa sidoo kale la warinayaa inuu qorsheynayo inuu kooxda ka diro xiddigaha qadka dhexe ee Cesc Fabregas iyo John Obi Mikel.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close