Frank de Boer oo lala xiriirinayo shaqo cusub

frank-de-boer

(Istanbul) 08 Nov 2016 Tababarihii laga cayriyay kooxda Inter Milan ee Frank de Boer ayaa haatan lala xiriirinayaa shaqo cusub wax yar uun kadib markii Inter ay ku dhawaaqday tababare cusub.

Sida laga soo xigtay shabakada FCInter1908.it, tababare Frank de Boer ayaa ka fiirsanaya halka uu ku wajahanyahay isaga oo ku jira liiska tababarayaasha ay doonayso kooxda Galatasaray.

Kooxda reer Turki ayaa aad uga niyad jabsan natiijo xumada uu tababare Jan Olde Riekerink ku hogaaminayo kooxda, waxayna doonayaan tababaraha ay isku dalka yihiin ee Frank de Boer.

frank-de-boer

De Boer ayaa la sheegay inuu ku socdo wadadii tababarihii ka horeeyay ee Roberto Mancini kaas oo xili layliyay kooxda reer Turki.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close