Evra oo ku ruxay qalbiyada jamaahiirta Man United fariintan uu la wadaagay Rio Ferdinand

 

(Manchester) 08 Nof 2016. Patrice Evra waxa uu fariin qalbi ruxid leh ugu diray Instagram-ka Rio Ferdinand oo ay hore uga wada tirsanaayeen Manchester United –  Rio waxa uu u dabaal degeyey dhalashadiisa.

Laacibka u dhashay France waxa uu ka soo garan dheelay xiddigii hore ee West Ham iyo Leeds waayihii Sir Alex Ferguson.

Labadaba waxaa loo aqoonsan yahay halyeyo kooxda ah iyaga oo ku wada guuleystay Premier League, League iyo Champions League.

Walo ay labaduba hada joogin, waxa ay aad caan uga yihiin dhinaca jamaahiirta United.

Hada, qoraalka uu baraha bulshada soo dhigay wey uun sii xoojin doontaa caannimadaas.

Evra waxa uu soo dhigay sawir ay wada dabaal degeyaan isaga oo soo raaciyey qoraalkan: ‘JOYEUX ANNIVERSAIRE bro!!!!

‘Aad ayaan kuu qadariyaa waxaana aad ayaana ugu faanaa wax walba oo aad ku guuleysatay gudaha iyo dibada gegida!!!!!!

‘Marka laga yimaadi dhibaatada aad wajahday!

‘Waan jeclahay dheesha hahahahaha’.

Dhalasho wacan, Rio.

FBL-ENG-PR-NEWCASTLE-MANUTD

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close